1422 Views

Galmudug garabka Xaaf oo ashtako ka ah wasiiro iyo xilhibaano ka tirsan DF

Galmudug garabka Xaaf oo ashtako ka ah wasiiro iyo xilhibaano ka tirsan DF
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 16, 2018 —Galmudug ayaa waxa ay sheegtay in weli ay taagan tahay faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka Galmudug, islamarkaana maalmahan uu bilawday abaabul hor leh oo loogu gacan haatinayo xildhibaanada Galmudug inay tagaan magaalada Cadaado.

Qoraal ka soo baxay Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay dowladda burburinta heshiiskii ay wada galeen Ahlu Sunna iyo Galmudug inay u adeegsaneyso Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka oo gaaray magaalada Cadaado, iyaga oo adeegsanaya dhaqaale fara badan.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) oo warbaahinta u aqriyay qoraalka ka soo baxay Galmudug ayaa wuxuu sheegay abaabulka xawliga ku socda wixii ka yimaada inay qaadanayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Galmudug ayaa ugu dambeyn madaxda mamul goboleedyada, beesha caalamka iyo IGAD ugu baaqday inay si dhaw ula socdaan xiisada taagan, islamarkaana ka hadlaan inta aysan waji kale yeelan.

bb

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment