564 Views

Maxkamad ku taalla gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya oo kordhisay xarigga wariye Muslim ah oo wajahaya eedeymo

Maxkamad ku taalla gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya oo  kordhisay xarigga wariye Muslim ah oo wajahaya eedeymo
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Maxkamad ku taalla gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa kordhisay xarigga wariye Muslim ah oo wajahaya eedeymo la xiriira inuu faafiyay colaadda u dhexeysa qowmiyadaha dalka Hindiya.

Mohammed Zubair, oo ah aasaasaha website dabagalka dhacdooyinka qaabilsan, ayaa la xiray laba toddobaad ka hor, waxaana laga yaabaa inuu hadda ku jiro ugu yaraan laba toddobaad oo kale xabsiga.

Waxaa lagu baarayaa dhowr dhacdo, oo ay ku jiraan dhaleeceyn uu u jeediyay dadka Hinduuga ah ee mayalka adag, iyo telefishin uu ku eedeeyay hurinta rabshadaha.

(Hadda waxa uu wajahayaa suurtagalnimada in la geeyo Maxkamadda Sare Talaadada. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in xukuumadda Hindu-ga ah ee BJP ay sii kordheyso tallaabooyin ka dhan ah suxufiyiinta iyo dadka dhaleeceya. Maamulka Hindiya ayaase beeniyey arrintaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post