1008 Views

Cali yare oo sheegay in uu fashilmay waan waantii Ahlusuna iyo Galmudug

Cali yare  oo sheegay in uu fashilmay waan waantii Ahlusuna iyo Galmudug
____________________________________________________________________________

Talaado: October 19, 2021

Gudoomiyaha ku-xigeenja Ammniga Gobolka banaadir cali yare cali ayaa soo dhigay Bogiisa Facebook in uu fashilmay isku day la doonayay in lagu qaboojiyo Colaada Guriceel

 Waxaan ka xumahay inaan idinla wadaago inuu fashilmay iskuday socday muddo ku dhow saddex (3) asbuuc oo aan ku dooneynay in dagaal iyo dhiig Guriceel ku daata in lagu baajiyo.

GALMUDUG

Galmudug marnaba ma ogolaan wax-wada-hadal oo xalku wuxuu ula muuqdaa hal mid oo kali ah taas oo ah “Dagaal”

AHLUSUNNAH

Ahlusunnah oo markii hore dhankooda nooga muujiyay tanasul badan mabda’ ahaanna waxay naga aqbashay qodobadaan hoos ku qoran;

1. In ay ciidankooda magaalada ka saaraan

2. In ay celiyaan gaadiidkii ay dagaalka ku qabsadeen

3. la soo celiyo Maamulkii sharciga ahaa ee Degmada

Nasiib darro Shalay 02:45 PM ayay si ayay si kadis ah Ahlusunnah diidmo cad ka muujiyeen qodobadii ay horay nooga aqbaleen iyaga oo diidmadooda ku saleeyay kalsooni darro amnigooda la xariirta oo ka dhalatay ciidanka xooggan ee dhowrka jiho laga soo galiyay.

QABIILKA DEEGAANKA (CEYR)

Waloow ay jiraan dad badan oo Ahlusunnah taageersan, haddana waxaa noo muuqatay in inta badan qabiilku taageero xooggan u muujiyay maamulka Galmudug, waxaadna moodaa in qabiilka deegaanku aanay ku qanacsaneyn wax aan dagaal aheyn si la mid ah maamulka Galmudug.

DHEERI.

Waxaa jira dhowr kooxood oo siyaasiyiin ah oo labada dhinac ku kala jira oo dab ku sii shidaya colaadda iyo duulaanka Guriceel ku wajahan.

TALO.

Aniga oo horay usheegay mowqifkeyga la xariira xiisadda Galmudug , haddana waxaa weli ii muuqata in dagaalka Guriceel laga baaqsan karo, haddii la helo masuuliyiin ku-dhac leh oo awooda in ay meel la iska dhigaan rag-iska-tiirinta ay reer Galmudug uga hareen Soomaalida inteeda kale.

Haddii aynaan CAAWA nabad laga talin waxaa ii muuqaneysa in Beri xilligaan oo kale uu qofkasta oo reer Galmudug ah uu qori doono ama aqrin doono dhowr tacsi oo wada saaxiibadiis iyo walaalihiis ah, in beri xilligaan oo kale ay Caruur badan oo caawa Aabe leh ay agoontoobi doonaan, waxaa ii muuqata in Hooyooyin badan geerida wiilashoodu ku dul barooran doonaan, waxaa ii muuqata in ay dumar badan oo caawa noloshooda caadiga ah wata ay asaay saaran doonaan.

MADAXWEYNE QOORQOOR & SH SHAAKIR

Madaxweyne Qoorqoor iyo Shiikh Shaakir waxaan leeyahay; Walaalayaaloow Inta aydaan dagaal gelin xisaabta ku darsada inuu jiro farqi udhexeeya inaad Guuleeysato iyo inaad adkaato.

DAGAAL MAYA

NABAD HAA.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post