996 Views

Gudoomiyihii guddiga doorashada Galmudug oo xilka laga qaaday

Gudoomiyihii guddiga doorashada Galmudug oo xilka laga qaaday
____________________________________________________________________________

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf la xiriira guddoonka guddiga.
Kulan ay yeesheen xubnaha Guddiga doorashada Galmudug (SEIT) ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii guddigaas Maxamed Daahir Guuleed.

Kulankaas ayaa sidoo kale Guddiga doorashada Galmudug ayaa waxay Guddoomiye u doorteen Maxamed Qaasim Turaabi oo ahaa Xoghayihii Guddiga.
Hase yeeshee guddoomiyihii xilka laga qaaday ayaa beeniyay in xilka qaadis lagu sameeyay isagoo ku tilmaamay qoraal lagu shaaciyay in xilka loogaga qaaday mid been abuur ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post