906 Views

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga oo ka hadashay dagaalka maalinkii shanaad ka socda Ukraine.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga oo ka hadashay dagaalka maalinkii shanaad ka socda Ukraine.
____________________________________________________________________________

Talaado: March 1, 2022

Waxaa maalintii Shanaad galay dagaalka aan kala joogsiga la hayn ee ka socda Ukraine una dhaxeeyo Ciidamada dalkaasi iyo kuwa Ruushka oo duulaan dagaal kusoo galay dalka Ukraine.

War kasoo baxay Waaxda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 75% ciidamada Ruushka la isugu keenay xudduudaha Ukraine oo ay hadda ku sugan yihiin gudaha dalka.

Ciidamada ugu badan ayaa hadda ku sugan meel 25-km u jirta caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, inkastoo Askartu weli aysan qabsan labada magaalo ee muhiim ka ah ee Kharkiv oo ku taal waqooyi-bari iyo Mariupol oo ku taal Koonfurta.

Sidoo kale, saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka aysan sameeneyn hormarkii ay qorsheynayeen sababo la xiriira dhanka saadka iyo iska caabin adag oo ay kala kulmeen ciidamada Ukraine.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ukraine ayaa sheegtay in gantaallada Ruushka ay ku dhaceen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla gobolka Kyiv, kuwaas oo ka kooban Sadex dhismo, inkastoo ay xustay in shan dabaq uu ka dhacay weerar gantaalo ah saddex saacadood ka hor, sida lagu sheegay barta Facebook ee wasaaradda.

Sidoo kale, Jarmalka ayaa u soo diraya diyaaradaha dagaalka ee nooca loo yaqaano Tornado iyo kuwa ilaalada badaha, kuwaas oo hawlo sahamin ah ka wada aagga badda Baltic-ga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post