2883 Views

Somaliya oo Hub u oggolaatay Maraakiibta China ee ka kalluumeysanaya biyaha dalka

Somaliya oo Hub u oggolaatay Maraakiibta China ee ka kalluumeysanaya biyaha dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Dowladda China ayaa sheegtay in ay Bisha soo socota billaabi doonto ka kalluumeysiga Xeebaha Soomaaliya kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya ruqsad u siisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii la soo dhaafay waxaa ay Ruqsad kalluumeysi siisay Sharikado ka badan 30 Markab oo ka kalluumeysan kara biyaha Somaaliya.

Heshiiska labada dal ay wada galeen ayaa waxaa ka mid ah in Maraakiibtaas ay muddo sanad ah ka kalluumeystaan xeebaha Soomaaliya dibna loogu cusbooneysiin karo sanad kale.

Hay’adaha ka faallooda Amaanka Badaha ayaa sheegaya in sanadkii la soo dhaafay ee 2017 ay Burcad Badeedda Soomaalida geysteen weerarro ka badan sanadkii ka horreeyay ee 2016kii.

Maraakiibta China ayaa loo oggolaaday in ay Hub soo qaadan karaan si haddii ay la kulmaan weerarrada Burcad Badeedda isaga difaacaan.

Heshiiskan ayey dowladda Federaalka ah u aragtaa soo jiidashada Maalgashatada iyo Kalluumeysatada Caalamiga ah,taas oo iyana qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha dalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment