1962 Views

Akhriso:- Hogaanka ayaa isbedel keena ee xilal la isku wareejiyo masoo kordhineyso isbedel & Horumar !!!

Akhriso:- Hogaanka ayaa isbedel keena ee xilal la isku wareejiyo masoo kordhineyso isbedel & Horumar !!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 – Maamulka Hirshabeelle waa midowga ama isku darka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hirshabeelle waa Maamul Goboleedkii ugu danbeeyey ee la dhisay iyadoo dhisitaankiisa uu ka muuqday degdeg aad u badan taasi oo shacabka labada gobol si buuxda loogu qancin Hammigii iyo hankii lagu aasaasay.

Fahamka la’aanta shacabka ka heysatay yoolka iyo Hanka lagu dhisayey Maamulka ee sida orodka iyo boobsiinta ka muuqatay looga waayey Cadaalada iyo xaquuqda wax-qeybsiga ayaa dhibaato aan laga gudbin ku noqotay Maamulka ugu yar Maamulada iyadoo bilooyinkii ugu horeeyey ay ka hor imaadeen caqabado aad u badan iyo culeysyo siyaasadeed oo baaxad weyn leh kuwaasi oo weli sii jiitamaya.

Maamulka Hirshabeelle waxaa looga fadhiyey inay la yimaadaan waxqabad aad uweyn oo laga dhaxli karo miro fiican oo horumareed oo ay ku diirsadaan bulshada labadii gobol ee lagu mideeyey Maamulka balse taasi badalkeeda waxqabadka ugu horeeyey uguna danbeeyey ayaa wuxuu noqday soo xulista labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maxweynaha Maamulka, Ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle intuba waxaa ka muuqata inay ka niyadjabeen oo ay ku daaleen Mooshinada isdaba jooga ah ee kaga imaanayey Golaha Shacbiga taasi oo keentay in golihii fulinta oo mushahar la’aanta dishay ay lasii kulmaan culeys mooshin oo looga dalbanayo inay ka tagaan kursiga ay ku magacaabanyihiin ee aanay faa’idada ku heysan iyadoo taasi ugu danbeyntii dhalisay in Hogaanada ugu sareeya hirshabeelle ku heshiiyaan in Golihii fulinta lagu sameeyo isku-shaandheyn balaaran si ay xilal u helaan xildhibaanada mooshinada wada ee u doodaya sidii ay ku heli lahaayeen Magaca {Xildhibaanu-Wasiir}.

Haddii aan soo qaato oraah gaaban ee ku jirta buugga الشخصية المسلم ee uu qoray Qoraaga weyn Dr. Mohamed Ali Hashimi ayaa isagoo la hadlaya dadka Hamigooda ka niyadjaba missana inoo tilmaamaya waxa ay ka dhaxlayaan niyadjabka wuxuu yiri:

{ Waxaa Dhacda In Dad Badani Ka Baqaan Caqabadaha Yar Yar ee Ka Sokeeya Xaqiijiinta Yoolka, Taasi oo dhaxalsiisa inuu Qofku Noqdo Col Hortii Jabay isagoo awood u heli kara inuu Isticmaalo Kartidiisa, Aqoontiisa Iyo Maskaxdiisa }.

Hogaankii ugu sareeyey haddii uusan u taagneyn wax uqabashada iyo qancinta bulshada ku midowday maamulka Hirshabeelle, waxaa labadii gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe soo wajahday rajo xumo {desperation} midaasi oo abuurtay in rajadii yareyd ee bulshada ay qabeen sii lunto .
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee maamulka ku guuldareystay waa:-

  1. Amaanka: waxaa jirta Amni-daro balaaran iyadoo cabsida ugu weyn ay dhinaca amaanka noqotay maadaama aysan meesha ka bixin khalkhal amni iyo falal amni-darro ah oo ka dhaca meelo fara-badan haba ugu horeyso weerarada dhabagalka ee in badan xildhibaano iyo wasiiro lagu dilay taasi oo keentay in diyaarado loo kireysto caasimadii muqdisho oo 90Km u jirta Jowhar.
    Amni-xumida waxay kale oo ay adkeysay in la hirgeliyo Mashruucyo badan oo horay maamulka loogu balanqaaday.
  2. Dhaqaalaha: Waxaa jirta dhaqaalo xumo aad uweyn oo gaartay in meesha uu ka baxo xitaa dhaqaalihii lagu socodsiin lahaa howlihii Maamulka iyo mushaar-bixinta Shaqaalaha taasi oo keentay inaan la arkin qof xilkiisa daacadnimo u gudanaya maadaama aysan jirin qorshe looga faa’ideynayo ilaha dhaqaalaha ee maamulka Hirshabeelle. Labada gobol ee maamulka ka koobanyahay waa labo gobol oo midwaliba dhaqaalihiisa haddii si hufan oo baraxtiran loo aruuriyo la gaari lahaa heerka ugu wanaagsan ee isku filnaansho.
  3. Siyaasada: ma jirto tubta-siyaasada lagu mideysanyahay oo lagu unkay rabitaanka shacabka loogana fakaray Habqeysiga maamulka si cadaalad leh taasi oo keeneysa in masuul-walba la yimaado qorshayaal horumar iyo dhaxal wanaagsan u noqon kara Shacabka iyo Maaamulka Hirshabeelle taasi oo xoojin lahayd si Aqoon, Caqli, Awood aan hagrasho lahayn loogu dhisi lahaa tayada hey’adaha dowliga ah.

Siyaasad-xumida waxay keentay in si loo qanciyo Golaha baarlamaanka labo xil la siiyo oo in iyagoo xilkii matalaada baarlamaan heysto loogu sii daray xil-wasiirnimo iyadoo la wada ogyahay in aqoonyahano badan albaabada laga furin si loo qanciyo dadka keenay mooshinka taasi waxay abuurtay iskumilan-ka hay’adihii dawliga ee ahayd kuwii is-ilaalin lahaa.

Maxaa laga baranayaa isku shaandheynta lagu sameeyey golaha Wasiirada Hirshabelle?

  1. Waxaa laga baran karaa in hamiga ugu weyn ee mooshinka uu yahay dano-gaar ah oo ay doonayaan xildhibaanada.
  2. Waxaa laga baran karaa in hogaanka sare ee maamulka uu ka fakarayo sida uu u dhameysan lahaa mudo xileedkiisa taasi oo meesha ka saareysa inay xambaaraan masiirka shacabka Hirshabeelle ee ay horay ugu dhaarteen Kitaabka qur’aanka.
  3. Nuxur la’aanta xil magacaabista iyo xil ka qaadista masuuliyiinta la magacaabay ayaa waxay fududeysay in dad aan aqoon u lahayn waxa loo magacaabayo kusoo baxaan xilalka iyadoo dadkii aqoonta u lahaa lagu niyadjabiyey xil ka qaadis iyagoo aan xaquuq heysan laguna tixgelin shaqada ay u hayaan Ummadda.
  4. Arrinta isku shaandheynta wasiirada ee lagu qancinayey xildhibaanada waxaan ka baraneynaa in meesha loo yimid in laga shaqeysto ee aan loo iman in dadka loo shaqeeyo.

 

 

 

 

.

W/Q;-Feysal Abdirahman Saney

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment