804 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab Galmudug

Dowladda Soomaaliya oo  sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan  Al-Shabaab Galmudug
____________________________________________________________________________

Jimco: july 30 2021

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil katirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab, kuwaasi xiriir la sameeyay saraakiisha ciidamada xoogga ee howl-gallada ka wada deegaanada Galmudug.

Saraakiishan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Nuur Bare ” iyo Mowliid Cumar faarax “Ciro”, iyagoona sheegay in ay ka tanaasuleen ka tirsanaanta Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in labadaan sarkaal ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen qaybta jabhaadka.

Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Alshabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka waday deegaano hoostaga maamulka Galmudug, iyagoona la wareegay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post