1029 Views

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Guuleed oo ka hadlay xaalada Galmudug

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Guuleed oo ka hadlay xaalada Galmudug
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

 Xili xaalada galmudug ay qarka u saran tahay dagaal dhex mara Maamulka galmudug iyo Ahlusunna wal Jameeca, ayaa waxaa arintaas Mar kale ka hadlay oo talooyin soo jeediyay Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guuleed ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanada Galmudug waxa uuna soo saaray baaq ka kooban afar qodob, oo talo soo jeedin u badan.

1 – Galmudug waxay leedahay hey’ado dowladeed oo dastuuri ah oo dhammaan dadka reer Galmudug ay wada dhisteen, haddaba waxaan soo jeedinaynaa oo aan adkeynayaa in la dhowro jiritaanka hay’adahaas iyo midnimada Galmudug.

2 – Si he’adaha curdunka ah ee dowlad goboleedkaas aan u ilaashano, loogana fogaado daadinta dhiiga shacabkeena, waa in dagaalka iyo gacan ka hadalka is deg deg ah loo joojiyaa, waxii khilaaf iyo tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal iyo wada xaajood.

https://abce7054b9aa7249c951ab3b659bd18d.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html 3 – Galmudug waxay leedahay hal cadow oo ah cadowga Al-Shabaab, waxaana lagama maarmaan ah in xoogga iyo awoodda loo mideeyo sidii looga wada hortegi lahaa, si looga sifeeyo dhammaan deegaanada ay gacanta ku hayaan.

4 – Waa in la dadajiyaa doorashooyinka, lagana fogaado wax kasta oo carqaladeyn kara habsami u socodka doorashooyinka Galmudug iyo deegaanada kale ee Soomaaliyeed-ba, si dalku uga baxo firaaqa

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post