867 Views

AMISOM oo howlgal Miino baaris ah ka sameeyay Magaalada Jowhar

AMISOM oo howlgal Miino baaris ah ka sameeyay Magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

 

Axad: August 15, 2021

Ciidamada Burundi ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal Miino baris ah ka sameeyeen Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgalka miino baarista ah uga sameeyeen waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaalada Jowhar, waxaana war kasoo baxay AMISOM lagu sheegay in la qarxiyay iinooyin waddada lagu Aasay.

“ Ciidamada Burundi ee AMISOM ayaa qarxiyay Walxaha Qarxa (IEDs) oo lagu aasay waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaalada Jowhar. Bulshada iyo dadka magaalada ee maalin kasta adeegsada wadadan ayaa uga mahadceliyay hawlgalka ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay AMISOM.

Waddada u dhaxeeysa Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaalada Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer qaraxyo miino lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM oo waddadaas ku socdaalayay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post