393 Views

Ardeyda Baxdo oo maanta ka qeyb gashay imtixaanka iyo dowladda oo ka hadashay

Ardeyda Baxdo oo maanta ka qeyb gashay imtixaanka iyo dowladda oo ka hadashay
____________________________________________________________________________

Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa maanta loo fariistay imtixaanka kama dambeysta ah ee Dugsiyada Sare, waxana tirada ardeyda u fariisatay lagu sheegay 35,000 (Shan iyo Soddon Kun) oo arday.

Goobaha imtixaanka saaka loo fariistay waxa kamid ah magaalada Baxdo oo qiyaastii boqol km u jirta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay dagaal culus uu ku dhexmaray miliishiyo deegaanka ah iyo Al-Shabaab oo duulaan ku soo qaaday.

Wasiirdowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Jaabiri ayaa sheegay in dagaalkii shalay la rabay imtixaanka looga hortaggo balse dadka ay ku guuleysteen in ay iska difaacaan Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Saaka la gaarsiiyay imtixaanka ardeyda ku sugan halkaasi oo ay ka mid noqdeen dadka imtixaanka u fadhiistay.

Dad ka badan soddon qof ayaa lagu dilay dagaalkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post