339 Views

Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha dalka Turkiga

Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Lix qof oo u badan caruur ayaa ku qaraqmay kadib markii dooni ay la socdeen qaxooti ka yimid dalka Lubnaan kuna wajahnaa dalka Talyaaniga ay ku degtay xeebaha koonfur galbeed ee dalka Turkiga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha dalka Turkiga.

War qoraal ah oo ay soo saareen ilaalada xeebaha ayaa lagu sheegay in 73 qaxoonti iyo tahriibayaal ah oo saarnaa afar doonyood Talaadadii la soo badbaadiyay, halka hawlgalada baadi goobka ay sii socdaa welina la la’yahay shan qof.

Dadkaan ayaa markii hore ka soo ambabaxay Lubnaan sabtidii iyagoo ku sii jeeday Talyaaniga balse waxay u baahdeen inay shidaal ka qaataan xeebaha jasiiradda Rhodes ee Giriiga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha iyo  muhaajiriinta la soo badbaadiyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post