891 Views

Ra’iisal Wasaare hore oo u geeriyooday Coronavirus

Ra’iisal Wasaare hore oo u geeriyooday Coronavirus
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 6, 2020 –Ra’iisal Wasaarihi hore ee dalka Liibiya Maxamuud Jibriil ayaa u geeriyooday cudurka Coronavirus uu bariyahanba la il darnaa. Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyey xisbiga siyaasadeed uu marxuumku ka tirsanaa.

 

Mr Jibriil oo ay da’diisu 67 jir ahayd wuxuu cudurka uu ugu soo dhacay dalka Masar bishi March.

 

 

 

Wuxuuna xilka soo hayey xilligi uu golaha ku meel gaarka ah uu talada dalka Liibiya hayey golaha ku meel gaarka qaran xilliga uu dalkaasi ka soo kabanayey dagaallada sokeeye ee ka qarxay 2011-kii.

 

Xilliga golahaasi ku meel gaarka ah uu dalka Libiya ka jiray ayuu Maxamed Jibriil soo noqday Ra’isal wasaare ku meel gaar ah marki xilka laga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Muammar Qadaafi.

 

Axaddi ayuuna Covid-19 ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Dowladda Liibiya ka arrimisa ee caalamka laga aqoonsan yahay oo tacsi u dirtay ehellada marxuumka waxay Maxamuud Jibriil ku tilmaameen inuu ahaa ‘Astaan Qaran’

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment