243 Views

Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof oo ku burburtay meel u dhaw garoon ku yaalla bartamaha Nepal, waxaana ku dhintay 40 qof

Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof oo  ku burburtay meel u dhaw garoon ku yaalla bartamaha Nepal, waxaana ku dhintay 40 qof
____________________________________________________________________________

Axad: January 15 2023  

Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof ayaa ku burburtay meel u dhaw garoon ku yaalla bartamaha Nepal, waxaana ku dhintay 40 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Diyaaradda Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, waxay ku wajahneyd magaalada dalxiiska ah ee Pokhara.

Diyaaradda ayaa burburtay xilli ay dageysay isla markaana dab ayaa qabsaday.

Ciidamada Nepal oo gaaraya 200 ayaa qeyb ka howlaha gurmadka ah ee ka socda goobta ay diyaaradda ku burburtay ee webiga Seti.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinayay qiiqo iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.

“Waxaan rajeyneynaa in meydad badan aan kasoo saarno goobta ay diyaaradda ku burburtay” ayuu yiri afahayeen u hadlay militeriga xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post