888 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 13 2021–Alle ha u Naxariistee waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin  Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Dhagacaleen, waxaana la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyay muwaadin kale oo Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ku sugan Magalaada PE ee Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Muwaadinka dilka geystay uu aha oqf dhimirka ka xanuunsanayay, isla markaana gacanta lagu dhigay.

Qaar kamid ah Ehellada Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilaya ayaa waxaa ay sheegeen in Wiilkooda uu muddo sanado ah ku sugnaa dalka Koonfur Afrika kana mid ahaa Ganacsatada Soomaalida.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dhowr jeer dil iyo in la boobo hantidooda loogu geystay Soomaali farabadan, kuwaas oo Ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyada oo aysan jirin cid waxka qabatay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post