1155 Views

Gudoomiyaha baarlamaanka oo amar kusoo rogay xildhibaanada Wasiirada ah

Gudoomiyaha baarlamaanka oo amar kusoo rogay xildhibaanada Wasiirada ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-19–2019 —Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka Sanadkaan ay u yaallaan Shaqooyin badan, islamarkaana dhammaan laga doonaayo in ay soo xaadiraan.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano badan oo ka maqan kulamada kala duwan ee Xildhibaanada Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in uu ku amrayo dhammaan Xildhibaanada baarlamaanka ka tirsan ee Wasiiradda ah in ay soo xaadiraan kulamada xildhibaanada Golaha Shacabka.

 

Gudoomiyaha ayaa xusay in tirada Xildhibaanada Wasiirada ah ay aad u badan yihiin, islamarkaana laga doonaayo in ay qeyb galaan kulamada baarlamaanka hadii aysan jirin shaqooyin muhiim ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment