921 Views

Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka New York Latitisa James oo dambi ku heshay guddoomiyaha gobolkaas

Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka New York Latitisa James oo  dambi ku heshay guddoomiyaha gobolkaas
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka New York Latitisa James ayaa dambi ku heshay guddoomiyaha gobolkaas Andrew Cuomo, kaas oo ku eedeysnaa inuu faraxumeyn u geystay dumar ay shaqo wadaag ahaayeen.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqan Cuomo inuu is casilo, kaddib markii ay soo baxday warbixinta xeer-ilaaliyaha gobolka New York, waxaana sii kordhay tirada madaxda xisbigiisa Dimoqraadiga ah ee doonaya inuu banneeyo xaafiiska.

Cuomo ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo heysto, isagoo warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post