1113 Views

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 22|  2020—Madaxweynaha  Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay xaaladaha kajira Deeganada Koonfur Galbeed, iyada oo Warbixino kala duwan laga kala dhagaystay Wasiiradaha Wasaaraddaha Amniga,Arimaha Gudaha,Howlaha Guud,Waxbarashada, Ciyaaraha ,iyo Dekedaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed  Isaaq Cali Subag oo Warbixin Amniga ku saabsan ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Xaalada Amni ee Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalkii u dambeyey ay sameeyen Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad ee fariisinka ku leh Degmada Diinsoor, waxaana Wasiirka xusay in Howlgalka ay sameeyen Ciidanka ay kuso qabsadeen Hub sidoo kale Qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Al-Shabaab .

Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale Amaanay Ciidanka Amniga Magaalada Baydhabo sida ay u fashiliyeen Qarax la doonayey in laga geysto Magaalada Baydhabo kaasi oo xalay lagu fashiliyey Duleedka Magaalada Baydhabo lagana Hortagay.

Wasiiradaha Wasaaraddaha Arimaha Gudaha,Dekadaha,iyo Howlaha Guud ayaa sido kale Golaha Warbixin ka siiyey Waxyaabaha uqabsoomay.

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Golaha Wasiiradda ku bogaadiyey Howlaha shaqo ee ay u hayaan Shacabka waxaana uu ku dhiirageliyey inay sii laba jibaaran sidii looga miradhali lahaa Himilooyinka Shacabka Koonfur Galbeed.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post