741 Views

Dhul gariir xoog leh oo ku dhuftay magaalada loo dalxiis tago ee dalka Maksiko

Dhul gariir xoog leh oo ku dhuftay magaalada loo dalxiis tago ee dalka Maksiko
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

Dhul gariir xoog leh oo ku dhuftay magaalada loo dalxiis tago ee dalka Maksiko ee Akabulko ayaa burburiyay inta badan dhismooyinkii magaalada.

Dhul gariirka oo cabirkiisa lagu sheegay inuu gaarsiisnaa 7 riktor ayaa si weyn u bur buriyay magaalada Akabulko oo ku taala xeebta badweynta Baasifiga.

Dhul gariirka ayaa sidoo kale saameeyay magaalooyin dhawra oo gobolka Akabulko ku yaala waxaana inta badan gobolkaas ka go’ay korontada.

Dawlada ayaa degaanka u dirtay ciidamo dheeraad ah iyo kooxaha gurmadka si xaaladda loo qiimeeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post