306 Views

Dalka Faransiiska soo saaro 16 milyan oo xabbo oo rooti ah maalintii.

Dalka Faransiiska soo saaro 16 milyan oo xabbo oo rooti ah maalintii.
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 30, 2022

Wax kasta oo kale marka laga soo tago waxaa lagu warramayaa in Faransiiska soo saaro 16 milyan oo xabbo oo rooti ah maalintii.

Inkasta oo ay sidaas tahay rootiga ayaa hoos u dhacay sanadihii la soo dhaafay iyadoo foornooyinka rootiga ay halgan kula jiraan kor u kaca waxyaabaha qaar sida suuqyada casriga ah ee Super marketyada iyo caanimada isa soo taraysa ee nooca cusub ee rootiaga eesourdough.

Haatan waxaa jira wax ay tahay in loo dabbaal dego iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan culuunta iyo sayniska ee Unesco ay rootiga baguette ay ku dartay waxyaabaha ay ku tilmaantay kuna dartay liiska kuwa aan dhaqan ahaan dhaxalka ah ee aan la taaban Karin .

Waxay sheegtay in ay ku dartay noocan rootiga 600 shay oo kale iyadoo noocan rootiga uu ku biiri doono shaaha dhaqanka ee lagu sameeyo dalka Shiinaha iyo ciyaarta wejiga la xirto ee kuuriya ee loo yaqaano talchum oo markii ugu horreysay sanadkan lagu soo daray waxyaabaha dhaxal ahaan loo ilaalinayo.

“Xirafadahan iyo waxyaabahan ay bulshooyinku caado u leeeyihiin adeegsigooda iyo cunistooda way sii socon doontaa inay sii jiraan mustaqbalka “ ayuu yiri madaxa Unesco Audrey Asoulay, oo sii raaciyey in rootigan baguette uu yahay mid maalin walba la xuso sidoo kalena ah cunto ahaan la cuno lana jecel yahay

Waqtigii uu soo bilowday Rootigan wax badan lagama yaqaano laakiin qaar waxay soo jeedinayaan in rootigan uu amray Napoleon waayo waa mid fudud oo ay sahlaneyd in askartu qaataan , iyadoo da kalena ay sheegayaan in xilligaas uu ka horreeyey wuxuu ahaa rooti ay fududahay in shaqaaluhu kala goostaan oo wadaagaan iyagoo aa u baahan mindi ay ku kala jaraan marka la joogo Paris.

Si kasta oo ay tahayba rootiga baguette sida aan hadda u naqaano maanta waxaa loogu magacdaray qarni ka hor sanadkii 1920kii .

Markaa ka dibna waxaa jiray sharciyo gaar ah oo adag oo loo gaar yeelay rootiganoo ah in uu lahaa sicir go’an tan iyo 1986dii

Bartamihii qarniga 20 aad wuxuu rootigan ku guuleystay dalka Fraansiiska oo dhan laakiin tan iyo 1970kii ilaa 400 foorno ayaa la xiray sanad kasta , iyadoo tirada foornooyinka guud ahaan dalka Faransiiska ay hoos u dhaceysay55,000 ilaa 35,000 oo ay maanta gaaartay.

Sidaa oo ay tahayna rootigaas waa calaamadda lagu garto Faransiiska iyadoo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in rootiga baguette laga maseyr san yahay caalamka oo dhan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post