1785 Views

buug muran dhaliyay oo la doonayay in uu kamid noqdo manhajka waxbarashada Suudaan kaddib kacdoonkii xukunka looga tuuray Cumar Al Bashiir

buug muran dhaliyay oo la doonayay  in uu kamid noqdo manhajka waxbarashada Suudaan kaddib kacdoonkii xukunka looga tuuray Cumar Al Bashiir
____________________________________________________________________________

Khamiis 11/2/2021

Warbixinadeena taxanaha ah ee aan ka helno qaar kamid ah weriyeyasha kasoo jeeda Afrika, waxaana haatan ku eegeynaa warbixin ay qortay Zeynab Maxamed Saalix oo gabadh qoraa ah oo u dhalatay Suudaan, waxay ka shakeyneysaa khilaaf ka dhashay buug la doonaya in uu kamid noqdo manhajka waxbarashada Suudaan kaddib kacdoonkii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Al Bashiir.

Kaddib reyreyntii ka dhalatay markii la inqilaabay Cumar Al Bashiir waxaa baddalay dadaallo xooggan oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda kacaanka.

Muranka iyo khilaafka ka dhashay manhajka cusub ee waxbarashada ayaa qaar kamid ah culimada dalkaas waxay shaaciyeen in dowladda ay dadka ku hoggaamineyso waddo khaldan.

Jimcihii lasoo dhaafay kaddib markii saaladda laga baxay, masaajid ku yaalla Khartuum waxaa ka istaagay Imaam caan ah oo kamid ah taageerayaasha Cumar Al Bashiir, wuxuuna ku qeylinayay ‘Allah, Allah, Allah’.

uxuu dadkii musalliinta ah ku booriyay inay ka hortaggaan arrinta ku saabsan in sawir muujinaya abuurkii Nebi Aadan oo uu sameeyay farshaxamistaha u dhashay Talyaaniga Michelangelo in uu kasoo muuqdo buugga maaddada taariikhda ah ee cusub ee la doonaya in ardeyda ay ku bartaan dusgiyada Suudaan.

Imaam Maxamed Al Amiin Ismaaciil wuxuu rumeysan yahay in sawirka uu kamid yahay sawirrada ku xardhan kaniisadda Vatican-ka isla markaana aanan la aqbali karin.

Wuxuu sidoo kale Imaamka dhaleeceeyay wakaaladda wararka ee dowladda Suudan oo uu sheegay in fursad ay siisay Cumeyr Al Qarray oo kamid ah dadka ka dambeeyay isbaddallada lagu sameynaya manhajka waxbarashada Suudaan.

Wuxuu ku eedeeyay Cumeyr in uu fidinayo ‘Gaalnimo’ iyo ‘mulxidnimo’

Kaddib hadalka kasoo baxay Imaamka, imaamyo badan oo taageera Al Bashiir ayaa bilaabay olole ka dhan ah manhajka cusub ee iyo Cumeyr Al Qarray oo kamid ah dadka garwadeenka ka ah manhajka.

Qoyska Cumeyr waxay sheegeen in loogu hanjabay dil kaddib tallaabada uu qaaday ninkaas.

Wixii xilliggaas ka dambeeyay, Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok wuxuu amar ku bixiyay in la joojiyo sameynta manhajka cusub.

Cumeyr Qarray oo ka tirsan golaha ikhwaanka ee jamhuuriga ah- koox islaami ah ayaa iska casilay mashruucii lagu sameynayay manhajka cusub kaddib markii uu ka carooday arrintaas.

Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uusan wax dan ah ka laheyn mashruuca iyo dadaallada kale ay wadaan xisbiyada kale, sidoo kalena uu Ra’iisul Wasaaraha dhageysanayo waxa uu ku tilmaamay kooxaha xagjiriinta ah iyo taageerayaasha Cumar Al Bashiir.

Wuxuu sidoo kale khilaaf ka taagan yahay qaabka loo dhigayo taariikhda Suudaan xilliggii qarnigii 19-aad.

Khilaafka ku saabsan manhajka ardeyda lagu barayo dugsiyada Suudaan ayaa horseeday xiisad hor leh oo ka dhex taagan axsaabta siyaasadeed iyo bulshada rayidka, waana arrin cusub oo siyaasadda dalkaas harreysay.

Qaar kamid ah xubnihii ka tirsanaan jiray kooxaha fallaagada ah marna xiriir la lahaan jiray maamulkii Al Bashiir ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu ku joojiyay hirgelinta mashruuca cusub.

Ku dhaqanka shareecada waxaa Suudaan laga hirgeliyay bishii September sanadkii 1983-dii xilliggii dowladdii Jacfar Numeyr, waana mid kamid ah sababihii ay u qarxeen dagaalladii sokeeye oo horseeday inay go’do South Sudan.

Ku dhaqanka shareecada Islaamka waxaa markii dambe la hakiyay muddo saddex sano ah xilliggii dowladdii sida dimuqraadiga aheyd lagu soo dortay ee Siddiiq Al Mahdi balse waxaa ku dhaqanka shareecada dib loo soo nooleeyay markii xukunka afgembi kula wareegay sanadkii 1989-kii madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir.

Dowladda kumeel gaarka ah ee baddashay Cumar Al Bashiir ayaa u muuqata in aysan wax dan ah ka laheyn arrinta shareecada taas oo ah xuddunta dagaallada kooxaha fallaagada ee ka dagaallama gobolka South Kordofan.

Waxaana kamid ah kooxda jabhadda ah ee SPLM-N oo codsatay in la sameeyo nidaam cilmaani ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post