114 Views

Shir muhiim oo ay yeesheen taliyeyaasha Ciidamadda ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka

Shir muhiim oo ay yeesheen taliyeyaasha Ciidamadda ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta ka shiray amniga guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka kooxaha Khawaarijta.

Kulanka si guud waxaa looga hadlay difaaca dalka iyo in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo dhibaata ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Shirkaan muhiimka ah ayaa ka dhacay Taliska Boliiska Soomaaliya, waxaa lagu lafa-guray sidii looga wada shaqeyn lahaa Difaaca dalka iyo guud ahaan amniga Caasimadda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post