1308 Views

Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Beledweyne oo ka wada hadlay Iskaashiga Dawladaha Hoose ee dalka

Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Beledweyne oo ka wada hadlay Iskaashiga Dawladaha Hoose ee dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jannaayo 19, 2019 — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan qeyb ka ah kulamadii lagu xoojinayay xiriir Dawladda Hoose ee Muqdisho ay la leedahay Dawladaha hoose ee Magaalooyinka Waaweyn ee dalka la qaatay Duqa Degmada Beledweyne Mudane Khadar Xasan Afrax.

Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa tilmaamay in ujeedku uu yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga kala dhaxeeya Dawladaha Hoose ee dalka, gaar ahaan adeegyada bulshada iyo dhismaha Maamul hoosaadka, si talada dib loogu celiyo shacabka.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa xusay Maamulka Gobolka Banaadir uu muddooyinkii la soo dhaafay waday qorsheyaal lagu adkaynayo xiriirka Dawladaha Hoose ee dalka, maadaama qorshuhu yahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhankiisa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Duqa Beledweyne. Iyadoo lagu wareejiyey gaari Bas ah oo loogu adeegayo bulshada.

Duqa Beledweyne Mudane Khadar Xasan Afrax ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta iyo iskaashiga lagu adkaynayo Maamul hoosaadyada dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir isagoo ka duulayo baahida loo qabo xoojinta iyo iskaashiga Dawladaha hoose ee dalka ayuu wadatashiyo lagu adkaynayo iskaashiga Dawladaha Hoose waxuu bilihii la soo dhaafay la qaatay qaar kamid ah Madaxda Dawladaha Hoose ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment