732 Views

haweeney lagu magacaabo Salaado oo xalay seygeeda ku dilay Muqddisho

haweeney lagu  magacaabo   Salaado oo xalay seygeeda ku dilay Muqddisho
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Magaalada Muqdisho oo caan ku Noqotay Dilka Haweenka la Qabo ayaa xalay waxaa mar kale ka dhacay Fal dil ah oo aad u fool xun, sida ay shegen  dadka Dagan xaafada  H/wadaag ee magaalada MUqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Dilkaan uu ka dhacay agagaarka Iskuulka Hanti-wadaag ee degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana qoyska haweeneyda ay sheegeen in haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Salaado Faarax Cali uu dilkeeda ka dambeeyay seygeedii oo muran qoys ka dhaxeeyay.

Ninka falka geystay ayaa la sheegay inuu ahaa macalin si weyn looga yaqaan degaankaasi, isagoo kadibna baxsaday, waxaana dilka loogu geystay guri uu ugu yeertay, kadibna uu Bir madaxda uga garaacay, sidaasina ku dhimatay, iyadoo uu gacmaha ka xiray.

Sidoo kale Qoyska haweeneyda la dilay ayaa dalbaday inay cadaalad helaan, oo sharciga la hor geeyo dembiilaha falka ka dambeeyay, waxaaana kiiskan oo CID-da lagu baaray aan weli ka hadlin hay’adaha amniga magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post