831 Views

Ciidamadii asluubta oo laga qaaday barahii Kontroolada ka dib Weerarkii Xasan Shiikh.

Ciidamadii asluubta oo laga qaaday barahii Kontroolada  ka dib Weerarkii   Xasan Shiikh.
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii asluubta ka qaaday barahii Kontroolada ee ay ku sugnaayeen, ka dib rasaastii ay is weedaarsadeen ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Booliiska lagu wareejiyay bar koontaroolada ay fadhiyeen Ciidankii Asluubta ee ku yaallay agagaarka Dekeda Muqdisho, Wadada hormarta Maxkamadda Gobolka, Xabsiga Dhexe iyo Kawaanka Malayga.

Sidoo kale Ciidankii Asluubta ayaa gebi ahaanba laga qaaday goobihii ay horay u joogeen, kaddib markii ay ku lug yeesheen isku dhacyo dhowr ah oo ay u dambeysay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday agagaarka Kawaanka Malayga oo lagu rasaaseeyay kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Shiikh.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post