1977 Views

Wasiir Bayle Oo Khudbad ka jeediyay Xarunta Jaamacadda Oxford University ee London

Wasiir Bayle Oo Khudbad ka jeediyay Xarunta Jaamacadda Oxford University ee London
____________________________________________________________________________

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane,C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa shalay Khudbad ku saabsan horumarka Maaliyadeed ee Somaaliya ka jeediyay Xarunta Jaamacadda University of Oxford ee Magaalada London.

“Khudbad ku saabsan horumarka Maaliyadeed ee Somaaliya ayaan ka jeediyay Xarunta Jaamacadda University of Oxford ee Magaalada London, waxaana ay nagu amaaneen madaxda Jaamacadda dadaalka aan ugu jirno horumarinta iyo hagaajinta hanaanka Maaliyadda Dalka”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS

Mudane,C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sidoo kale Khudbad ka jeediyay Machadka Diblumaasiyadda Caalamiga ah ee Chatham House magaalada London.

“Waxaan khudbad ku saabsan dhaqaalaha dalkeena iyo horumarka uu ku sii talaabsanayo ka jeediyay Machadka Diblumaasiyadda Caalamiga ah ee Chatham House magaalada London”.Ayuu yiri Mudane Wasiir Bayle

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane,C/raxmaan Ducaale Beyle, oo maalmahan ku sugnaa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa halkaasi Todobaadkii tagay kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain,isagoo kala hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto Horumarinta Hanaanka Maaliyadeed ee Dalka, iyadoo Hay’adda Lacagta aduunka IMF ay boggaadisay horumarinta iyo hagaajinta hanaanka Maaliyadeedee Dalka.

A1 A2 A3 A4 A5

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment