960 Views

Wakiilada Beesha Caalamka oo baaq u diray dhinacyada isku haya Siyaasada Somalia

Wakiilada Beesha Caalamka oo baaq u diray dhinacyada isku haya Siyaasada Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 18, 2019 | QOL |   –Wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Gobaleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay ayaa  booqasho ku tegay Jubaland, waana kulankii saddexaad ee kamid ah kulamo wadatashi ah oo taxane ah oo ka kala dhacayay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

 

War-saxaafadeed ay siwadajir ah u soo saareen Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa loogu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha, hey’adaha iyo bulshada in ay wada hadlaan si hore loogu sii socda.

 

 

 

Maaddaama sanadka 2019ka uu sii dhamaanayo, waxaan dib u milicsaneynaa horumarka la gaaray sanadkan, waxaana rajeyneynaa in sanadka 2020ka uu noqdo sanad muhiim u ah Soomaaliya. Waxaan halkan u joognaa in aan kulamo la qaadano dad kaladuwan oo ay hawshu khusayso, si aan u dhageysanno aragtiyadooda ku aaddan sida sanadka 2020ka lagu gaari karo arrimaha muhiimka ah ee hortabinta qaran leh. Arrimahaas waxaa ku jira diyaarinta doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah, dhameystirka Dastuurka Federaalka ah, sii socoshada horumarka ku aaddan [xaqiijinta] deyn cafinta, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ka-hor inta aan la gaarin sanadkaas muhiimka a ayaa lagu yiri Warka Wakiilada Caalamka.

 

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood ee taageerada dhinacyada badan leh u fidiya Soomaaliya ayaa waxay kulamo la qaadanayaan madaxda qaranka, Dowlad Goboleedyada, odayaal dhaqameedyada iyo bulshada rayidka ah, ee dalka oo dhan.”Waan ka xunnahay in intii aan ku guda-jirnay booqashadeenii maanta, qaar kamid ah bulshada rayidka ah iyo hogamiyeyaal dhaqameedyada bulshada ee lagu marti qaaday shirka ay awoodi waayeen inay nala kulmaan ayaa la sii raaciyey qoraalka Wakiilada Caalamka.

 

“Annaguna ma doonaynin in aragtidooda la iloobo. Booqashadan ayaa ahayd fursad aan si toos ah uga fahamno dadka ay hawshu khusayso ee Jubaland arrimaha sii kala qaybinaya iyo waxa uu noqon karo xalka suurtagalka ah ee ku imaanaya wadahadal, qaab xaqiiqada ku qotoma iyo isu-tanaasul, iyo danta qaran oo laga hormariyo wax kasta. Haddii aan xal nabadeed laga gaarin, xaaladda Jubaland

 

Ujeedooyinka Soomaaliya u degsan waxaa lagu gaari karaa wada-shaqeyn xooggan oo dhexmarta dhamaan dhinacyada ay hawshu khuseyso, sanadka 2020ka wuxuu Soomaaliya u noqon karaa sanad taariikhi ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed, hay’adohooda iyo bulshadaba inay wadahadlaan si ay iskugu af-gartaan halkii loo dhaqaaqi lahaa, iyo inay iska kaashadaan sidii lagu xaqiijin lahaa arrimaha ay ku heshiiyeen ee hortabinta u leh sanadka soo socda aya alagu soo geba-gabeeyey qoraalka kasoo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment