357 Views

Weeraryahanka Leeds United oo la filayo inuu u safro dhanka kooxda Barcelona

Weeraryahanka Leeds United oo  la filayo inuu u safro dhanka kooxda Barcelona
____________________________________________________________________________


Arbaco: July 13, 2022

Weeraryahanka kooxda Leeds United ee u dhashey dalka Brazil, oo la yiraahdo Raphinha, 25 jirna ah, ayaa la filayaa inuu u safro dhanka iyo Barcelona, si uu u dhameystiro ku biirista kooxdaasi saldhigeedu yahay garoonka Nou Camp.

Leeds ayaa aqbashay heshiiska lagu kala wareejinayo ciyaaryahan Winger Raphinha. Kolkii hore wuxuu ahaa 49 milyan oo gini, halka haatan uu noqonayo 57 milyan oo Gini.

Maamulka Newcastle United, ayaa wada hadalo la qaatay kooxda Real Socieded, oo ku aadan saxiixa weeraryahanka reer Sweden, ee Alexander Isak, oo 22 jir ah, kaasoo ay kala soo wareegayaan kooxda reer Spain.

Chelsea ayaa muujisay xiisaha ay u qabto iney heshiis la saxiixato daafaca kooxda Paris St-German ee Faransiiska, ee ciyaar yahan Presnel Kimpembe.

Weeraryahanka Portugal, ciyaar yahan Christian Ronaldo, oo 37 iir ah, ayaa doonaya inuu ka dago garoonka kooxda Paris St-German, si uu uga garab ciyaaro ciyaaryahanka reer Argentine, ee Lionel Messi, oo 35 jir ah, kadib markii uu sheegay inuu doonayo inuu ka tago kooxda Manchester United.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post