1035 Views

Go’aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Magaalada Garoowe

Go’aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta oo khamiis ah Shir Guddoomiyay Shirka Saraakiisha Amniga Caasimada Puntland ee Magaalada Garowe.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Nugaal iyo kantaroolada laga soo galo magaladda Garoowe.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amniga guud ee caasimada ka hortaga mandooriyaha iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaa .
Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal ayaa warbixino ka dhagaystay Taliyaasha saldhigyada iyo kantaroolada iyagoona ka warbixiyay shaqooyinka siday u socdaan.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sarakiisha kula dardaarmay xoojinta amniga Caasimada iyo ka hortaga falalka Amni darro oo ay geystaan Al-Shabaab.
“Kooxaha argagixisada waxay donayaan inay khal khal amni daro ka sameyaan gudaha Garowe ee waxaa loo bahan yahay inay feejignaan galaan Ciidamada amniga baaritaan dheerna ay sameyaan ayuu yiri” Taliye Xuseen.
Magaalada Garoowe ayaa kamis ah Goobaha ay ka socoto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay aad loo adkeeyay Amniga Magaalada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post