1104 Views

WHO: Korona Fayraska cusub ee Omicron wuxuu gaaray 89 dal.

WHO: Korona Fayraska cusub ee Omicron wuxuu gaaray 89 dal.
____________________________________________________________________________

Axad: December 19, 2021

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in Korona fayraska Omicron uu hadda gaaray sagaal iyo siddeetan waddan oo adduunka ah.

Hay’adda ayaa intaa ku dartay in Omicron uu ka dhakhso badan yahay nooca kale ee Delta xagga faaiftaanka, waxay kaloo sheegtay in kiisasku ay saddex cisho oo kaliya ku laba jibbaarmi karaan.

Si ka dhakhso badan ayuu u fidaa marka loo eego nooca Delta waxayna WHO sheegtay in ay qaadanayso saddex maalmood oo keliya in kiisasku labanlaabmaan.

Kororka kiisaska ayaa qaylo dhaan ka abuuray Yurub iyo Maraykanka.

WHO ayaa ka cabsi qabta in nidaamka caafimaad ee caalamku uu burbur qarka u fuulo.

Saynisyahanno dowladda Ingiriiska kala taliya Korona fayraska cusub ee Omicron ayaa sheegay in dhawaan cisbitaallada uu culays soo fuuli doono—haddii aan la qaadin tallaabooyin adag oo lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post