1791 Views

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo si adag u dhaliil hannaanka uu Hanti-dhawrka Puntland u maray

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo  si adag u dhaliil hannaanka uu Hanti-dhawrka Puntland u maray
____________________________________________________________________________

.

Jimco: August 27, 2021

Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag u dhaliil hannaanka uu Hanti-dhawrka Puntland u maray baarista wasaaradda Waxbarashada.

Wasiir Cabdullaahi, ayaa sheegay in Hanti-dhawrka Puntland aysan waddo sax ah u marin xannibidda Akoonada Wasaaradda iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.

Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay in wasaaradda Waxbarashada lagu shaabadeeyo wax is-daba-marin, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya, haddii musuq maasuq ka dhacay gudaha wasaaradda.

Wuxu sheegay in tallaabadaas ay dhaawac u keenayso kalsoonida ay wasaaradda ku qabaan hay’adaha kala duwan ee kala shaqeeya horumarinta Arrimaha Waxbarashada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in laga yaabo hay’adaha qaarkood, in ay joojiyaan dhaqaalihii ay ku taageeri jireen wasaaradda Waxbarashada Puntland, kadib tallaabada Hanti-dhawrku qaaday.

Hanti-dhawrka Puntland maalmo ka hor shaqada ka joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland, oo sida ay sheegeen ku eedaysan lunsasho hanti dadweyne.

Sidoo kale, Hanti-dhawrka ayaa xannibaad saaray dhammaan Akoonada wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxaana ay sheegeen in baaris ku socoto Wasaaraddaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post