105 Views

Ilaalo ka tirsan QM oo lagu dilay weerar hoobiye oo ka dhacay Muqdisho

Ilaalo ka tirsan QM oo lagu dilay weerar hoobiye oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerar hoobiye oo lagu soo qaaday xalay, kaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobe.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay xalay ku soo dhaceen aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobe uu ku dhex-yaallo.

“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Ka sokow dhimashada weerarka ayaa sidoo kale gaystay waxyeello soo gaartay kaabayaasha Qaramada Midoobe. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay in kooxda ay fulisay weerarka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in dadka mas’uulka ka ah weerarkan la horkeeno sharciga, waxayna sheegtay inay weli ka go’an tahay inay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ka taageerto dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post