960 Views

Ciidanka Puntland oo dilay Khaalid Jaamac oo u dhashay Pakistan kana mid ahaa Daacish.

Ciidanka Puntland oo  dilay  Khaalid Jaamac  oo u dhashay Pakistan kana  mid ahaa  Daacish.
____________________________________________________________________________

May 28 2021

Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen sarkaal ajnabi ah, oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Gobolka Bari.

War ka soo baxay Ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay waddanka Pakistan, islamarkaana kamid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish.

Hawlgalka oo laga fuliyay togga Il-cameyra ee buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, waxa sidoo kale lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, sida lagu caddeeyay warka PSF.

Sidoo kale, waxa hawlgalkaas lagu burburiyay xaruntii dhexe ee kooxda Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post