249 Views

Tirada dadka ku dhintay gantaal uu Ruushku ku dhuftay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Dnipro ee dalka Ukraine

Tirada dadka ku dhintay gantaal uu Ruushku ku dhuftay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Dnipro ee dalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Axad: January 15 2023 

Tirada dadka ku dhintay gantaal uu Ruushku ku dhuftay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Dnipro ee dalka Ukraine ayaa Axadda maanta ah kor u dhaaftay 21 qof, iyadoo shaqaalaha samatabbixinta ay ku jiraan howlo ay ku qodayaan burburka oo ay ka baadi goobayaan dad wali nol.

Ugu yaraan 35 qof ayaa wali la la’yahay 73 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida uu Mykola Lukashuk, oo ah madaxa golaha deegaanka ee gobolka kusoo qoray barta Telegram-ka.

Dhismahan Dnipro, oo ah magaalo ku taal bariga dhexe ee Ukraine, ayaa qayb ahaan la burburiyay intii ay socdeen weerarro xiriir ah oo dhacay Sabtidii, waana weeraradii ugu xoogganaa ee uu Ruushku qaado muddo laba toddobaad gudahood ah. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Moscow oo ku saabsan weerarada.

Samatabbixiyeyaasha ayaa ku howllanaa raadinta dad badbaaday.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay inay maqleen dad ku qaylinaya in la caawiyo burburka hoostiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post