861 Views

Dad loo qabtay qarax ay askar ku geeriyoodeen

Dad loo qabtay qarax ay askar ku geeriyoodeen
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-19-2020
–Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweynee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa la dhigay Afaafka hore ee Garoonka Kubbada Cagta laqanyo, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday laba askari oo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle.

Guddoomiye kuxigeenka Siyaasadda & Maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Cali Maadeey ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan niyad jebin doonin dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab ka wadaan magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadiisa sheegtaan Al-Shabaab, waxaana saaakiisha Ciidamada ay sheegeen inay ka hortegi doonaan falalka Amni darro.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
__________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post