2007 Views

SAWIRO:-Rag ka tirsanaa Al-Shabaab & hubkooda oo la soo bandhigay

SAWIRO:-Rag ka tirsanaa Al-Shabaab & hubkooda oo la soo bandhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay deegaanka Yaaq Baraawe ee Gobolka Baay kusoo bandhigeen laba rag ah oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo ay sheegeen inay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka koonfur Galbeed.

 

Goobta raggaas lagu soo bandhigayay ayaa waxa ku sugnaa Maamulka degmada Diinsoor,saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Dowladda & kuwa maamulka koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale,waxana ragga la soo bandhigay oo gaaraya ilaa laba ay wataan laab Qori oo nooca AK47 ah iyo booshashkooda.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka koonfur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in raggaasi ay isku soo dhiibeen ciidamada,isla markaana ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kana howlgalayeen deegaanka  Buulo fulaay .

 

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in raggasi iyo hubka ay wataan ku wareejin doonaan Wasaaradda Amniga maamulka koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay xubnaha kale ee weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay Ciidamada isku soo dhiibaan.

 

Si kastaba soo bandhigida xubnaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee Gobolka Baay ay kusoo bandhigeen saraakiisha Ciidamada Maamulka koonfur Galbeed weli dhankooda kama hadlin Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment