876 Views

Jowhar oo lagu wado in ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare

Jowhar oo  lagu wado  in ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

Magaalada Jowhar waxa maanta oo talaado ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle.

27 Musharax ayaa u taagan 8 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle, waxaanaXildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ay dooran doonaan qaar kamid ah Musharaxiinta tartameysa.

Xildhibaanada ayaa shalay dhegaystay khudbado ay u jeediyeen Musharaxiinta oo ay uga hadleen waxa ay qaban doonaan marka la doorto, waxaan doorashadan loo arkaa mid loollan adag.

Kursiga ugu adag ee doorashada waxa ku tartami doona Senatar Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post