675 Views

Al-shabaab oo shaacisay in ay qabsadeen duleedka magaalada Hobyo

Al-shabaab oo shaacisay in ay qabsadeen duleedka magaalada Hobyo
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Kooxda  Al-Shabaab ayaa waxay shaacisay in ay la  wareegtay duleedka magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, Xili iska cabin ay kala kulmeen Wisil iyo bacaad Wayn maalmo ka hor.

Al-Shabaab ayaa shaacisay inay si nabadoon kula wareegtay deegaanka Dhaghaye oo ka tirsan magaalada xeebeedka Hobyo, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internetka.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in wax dagaal ah uusan ka dhicin halkaasi, isla-markaana ay haatan maamulayaan deegaanka Dhaghaye ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xoogaga Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaankaasi, isla-markaana ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

Maamulka Galmudug iyo Wasaarada Amniga Galmudug ayaa wali ka hadlin sheegashada Al-shabaab oo ah in ay qabsadeen meel aan ka fogayn Dekada Hobyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post