1683 Views

Al-Shabaab oo digniin u culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka

Al-Shabaab oo digniin u culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, 2018 —Ka dib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay sameysay Manhaj cusub looga tala galay in laga hirgaliyo dugsiyadda Waxbarashadda ee Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa digniin kasoo saaray Al-Shabaab.

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Al-Shabaab  ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo khaldan, kaasoo ka ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isagoo caddeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Waxaa uu  digniin culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka, iyagoo ku eedeeyay inay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan in manhajka cusub ee Waxabarshada ee dhowaan dowladda soo bandhigtay, kaasoo uu xusay inay ka hor imaaneyso Diinta Islaamka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhawaan ka qeyb galay Munaasabado kala duwan oo loogu tala galay in lagu soo bandhigo Manhaj cusub oo laga bilaabi doono Goobaha Waxbarashadda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment