1692 Views

Dowladda Soomaaliya oo Saldanadda Cuman ugu hambalyeysay sanad guurada 51aad ee Qaranimada dalkaas

Dowladda Soomaaliya oo Saldanadda Cuman ugu hambalyeysay sanad guurada 51aad ee Qaranimada dalkaas
____________________________________________________________________________


khamiis: November 18, 2021

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Saldanadda Cumar oo ku saabsan 51 guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada Cuman.

“Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Saldanadda Cumaan Suldaankeeda, dowladdeeda iyo dadkeeda munaasabadda 51 guurada ka soo wareegatay Maalinta Qarannimada dalkaasi oo ku beegan maanta oo ah 18 November, waxa aan u rajaynaynaa nabadgelyo , badqab, horukac iyo sii ambaqaadidda dib-u-curashada barakaysan, xiriirka labo geesoodka ee labadeena dal ee walaalaha ah u dhexeeyana uu horseedo horumar iyo barwaaqo”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Cumaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir walaalnimo qoto-dheer oo soo jireen ah oo sal adag oo leh qiyam, caadooyin iyo dhaqan wadaag.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post