1125 Views

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka bilaawday Tallaalka labaad ee COVID19

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka bilaawday Tallaalka labaad ee COVID19
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 14 2021Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda xukuumadda xilgaarsiinta ayaa maanta si Rasmi ah u daah furtay Tallaalka SINOPHARM ee Dawladda China ugu deeqday Dawladda Soomalia, kaas oo malmo ka hor la soo garsiiyay Magaalada Muqdisho.

Tallaalka SINOPHARM ayaa ka mid ah Tallaalada ka hortaga Caabuqa COVID-19  ayaa soo gaaray Gudaha Dalka Soomaaliya maalintii Axada oo taariikhdu ku beegneyd 11.04.2021, waxaana maanta lagu bilaabay mas’uuliyiin dowladeed.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Axmad Xuseen Macalin Iyo Safiirka dawladda China u fadhiya Soomaliya Qin Jian,  ayaa maantay si rasmi ah u qaatay Tallaaka ka hortaga COVID-19. waxa sidoo kale qaatay Tallaalka qaar ka mid ah agaasimayaasha Wasaaradda arimaha Dibadda iyo shaqaalaha ka hawlagala Safaaradda Shiinaha.

Wasiir ku xigeenka Waasaradda Caafimaadka ayaa u jeediyay Dawlada China Mahadcelin balaaran oo ku aadan sida Dawladda Shiinaha ay ugarab taagantahay Dawladda Soomaaliya iyo gacanta weyn ay ka geesteen sidii looga hortagi lahaa cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post