909 Views

Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

RMoqdisho,August 15, 2021 —Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen degaanka Goofgaduud Shabeeleey oo katirsan gobolka Baay.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay bartilmaameedadeen goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay weerarada kasoo abaabuli jireen.

Taliyaha Qeybta 60-aad  Jeneraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi (Ciiroow) ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in ay howlgalka uga saareen Al-Shabaab degaanka Goofgaduud Shabeeleey oo katirsan gobolka Baay, isla markaana ay ka dileen 9 dagaalame.

Taliyaha ayaa intaasi kudaray in laburburiyay saldhigyadii Al-Shabaab kul ahaayeen degaankaasi, sidoo kale weli ay howlgalka sii wadaan ilaa Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada ka tirsan Gobolka Baay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post