690 Views

Mahdi Guuleed” Waa laga gudbay xilligii qabiil dadka lagu Owrkacsan jiray” :Jawaab ku socota mucaaradka)

Mahdi Guuleed” Waa laga gudbay xilligii qabiil dadka lagu Owrkacsan jiray” :Jawaab ku socota mucaaradka)
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November18, 2020 –
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa u jawaabay musharixiinta Madaxwehnaha Soomaaliya & Xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeestay Guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya.

Mahdi Guuleed oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaawday fulinta heshiiskii doorashada oo ay qeyb ka ahaayeen Magacaabista Guddiyada doorashooyinka dalka.

Isaga oo ka jawaabayay cabashada musharixiinta & Xubnaha mucaaradka ee ku aadan in guddiyada doorashooyinka laga soo xulay Hay’adda NISA & Madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in  Madaxweyne Farmaajo talada kaliya ee ku lahaa uu ahaa in heshiiska doorashada Baarlamaanka la horgeeyo.

“ Heshiiska doorashada ha noqdo sharci lagu wada Shaqeeyo qof walba oo siyaasi ah oo taageero lehna ay halkaasi ku cabiraan in dalka sharci kajiro, waxaana taasi ay ku tusuneysaa in dalkaan uu shaci leeyahay cidii ixtiraami weysana hay’adaha dowladda ayay u taallaa ayuu yiri” Mahdi Guuleed.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ay qabiil ka koreen ayna ogaadeen dowladnimada waxaa ay tahay, isla markaana uusan meel garsiin Karin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dalkaan lagu Maamulayo sharci balse aan lagu mamuleyn fowdo lagana gudbay xilligii qabiilka iyo awooda wax lagu raadin jiray rabshadna lagu abuuri jiray



Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post