2436 Views

Drs Edno Aadan oo xilmuhiim ah loo magacabay

Drs Edno Aadan oo xilmuhiim ah loo magacabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 25 Luulyo 2017  — Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Drs Edna Aadan u magacaabay wakiilka Somaliland u qaabilsan wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland u dhaxeeya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha uuna ku saxiixanyahay Afhayeenka Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu sheegay.

waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;

Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa

Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;

Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara;

Wuxuu go’aansaday

In Marwo, Edna Aadan Ismaaciil,laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda  Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment