81 Views

Itoobiya oo Qirtay Caadadis Dowli ah oo Kasaaran Heshiiskii Badda ee ay la gashay Somaliland

Itoobiya oo Qirtay Caadadis Dowli ah oo Kasaaran Heshiiskii Badda ee ay la gashay Somaliland
____________________________________________________________________________

ADDIS ABABA – Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in xukumadda Addis Ababa ay lakulmayso culaysyo ugu imaanayo dawladaha gobolka iyo caalamka, kaas oo ku qasbaya in ay ka noqoto heshiiskii is afgarad ee ay la saxiixatay maamulka muuse biixi, kaas oo abuuray xaalad hubanti la’aan siyaasadeed oo gobolka ah, caalamka ayaa garab istaagay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibbada ahna raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa sheegay in cadaadis xogan saaranyahay, balse waxa uu carabaabay maasulkan oo u hadlay xukuumadda Abiy Axmed, in itoobiya sii wadi doonto dhaqangalinta heshiiskan taariikhiga ah oo ah fursad nadir ah oo soomartay shacab waynaha reer itoobiya.

Madaxweynaha Itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ayaa sidoo kale xaqiijisay in ay jiraan dawlado tiro ah ku waasi oo si wayn u taageray midnimadda dhuleed ee soomaliya, kuwaas oo ay horboodayaan Midowga Yurub, Maraykanka, Ingiriiska, China, Masar, Saudi Arabia iyo ururro calami ah oo gobolka ah sida IGAD iyo MIdowga Afrika.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ayaa marka laga soo tago cadaadiska dibadda waxa jira in gudaha dalkiisa ay ka jiraan xaalad adag, waxaana markaan garabkiisa ka maqan jamhadaha ugu waaweyn dalkaasi, sida kuwa Axmaarada, Uromada iyo Jamhadda TPLF oo sanadkii 2022 uu la galay dagaal xooggan, waxaana ay hoos u dhigeysaa inuu hil karo midnimada dalka.

Marka arrintaas laga tago waxa kale oo jira in Itoobiya markaan ay ka jirto dhaqaale yari xooggan, sida ay warinayaan warbaahinta dalkaasi, saameynta ugu weyn ee dhaqaale ayaa ah dhowaan warbixintii kasoo baxday hey’adda lacagta adduunka oo ay ku sheegtay in Itoobiya ay ku guuldareysatay bixinta lacago ay hore u amaahatay,kuwaas oo inta badan dagaal ku baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa markaan u muuqata in dowladda Itoobiya ay kaga adkaatay dhinaca habka diblomaasiga ah, taas oo keentay dalalka caalamka intooda badan ay taageero xooggan ay siiyaan, xilli dowladda Itoobiya ay cadaadis xooggan ay kala kulmayso badalkeeda, IGAD ayaa 18 bishaan ku kulmi doona si ay kaga arrinsadaan xaaladda gobolka ka taagan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post