1938 Views

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Xuska maalinta aasaaska Midawga Yurub

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Xuska maalinta aasaaska Midawga Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 09, 2018 –– Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta Muqdisho uga qeyb galay xuska sanad guurada 61-aad ee aasaaska Midawga Yurub oo sanad kasta la xuso maanta oo kale, ayaa u diray hambalyo ku aadan munaasabadda muhiimka ah.

Ra’iisul wasaaraha oo khudad dhinacya badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadda ayaa sidoo kale ka halday shirkii dhawaan lagu qabtay Brussels iyo dhaqaalihii ay u ballan qaadeen midawga Yurub kaalmada iyo garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ku ammaanay sida ay Soomaaliya u garab taaganyihiin gaar ahaan arimaha dhaqaalaha, Amniga iyo caawinta Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Mudane Kheyre ayaa ka codsaday Midawga Yurub in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ku garab taaganyihiin Soomaaliya, isaga oo xussay in Soomaaliya ay soo kabaneyso ayna aad ugu baahantahay taageero dhinac waliba leh si ay cagaheeda isugu taagto mar kale.

maalinta-EU-1 maalinta-EU-3 maalinta-EU-2

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment