315 Views

R/Wasaaraha Soomaaliya oo wada la tashadii ugu danbeeyay uu kusoo dhisayo Golaha wasiirada Cusub.

R/Wasaaraha Soomaaliya oo wada la tashadii ugu danbeeyay uu kusoo dhisayo Golaha wasiirada Cusub.
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

R/Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa uu wadaa la tashadii ugu dambeeyay uu ku soo dhisayo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Kulamadan ayaa waxaa uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaysa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu kordhiyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Xamza uu doonayo in wasiirada uu gaarsiiyo illaa 30 xubnood, halka markii hore ay ahaayeen 26 wasiir.

Qorshaha wasiirka koowaad ee xukuumadda cusub ayaa ah inuu soo kordhiyo ugu yaraan illaa 4 wasaaradood oo mid ka mid ah ay tahay wasaaradda deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, kadibna uu horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo meel-mariyo.

.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post