693 Views

Zimbabwe oo shaqaalaheeda amartay iney iska talaalaan cudurka Covid19, ama ay shaqada isaga tagaan

Zimbabwe  oo  shaqaalaheeda amartay  iney iska talaalaan cudurka Covid19, ama ay shaqada isaga tagaan
____________________________________________________________________________

.


khamiis: September 9, 2021

Dowladda Zimbabwe, ayaa ka dalbatey shaqaalaheeda iney iska talaalaan cudurka Covid19, ama ay shaqada isaga tagaan.

Waxey sheegtey dowladdu in talaabadani ay ugga dan leedahay iney hoos u dhigto halista faafista coronavirus.

Wareysi uu la yeeshay radio maxali ah, wasiirka caddaaladda Ziyambi Ziyambi, ayaa sheegay in shaqaalaha u maleeyo iney xaq u leeyihiin iney kala dooran karaan iney is talaalaan iyo in kale, iney yihiin kuwo qaldan.

Dowladda ayaa kal hore soo saartey sharci cusub, taasoo kaniisadaha iyo baararka lagu cunteeyo ku qasbaya iney gudaha goobahooda soo gali karaan oo kaliya dadka sita kaarka muujinaya iney is talaaleen.

Tani ayaa lagula dagaalamayaa ka laba labeynta is talaalista ee dadweynaha.

Dalkan dhaca dhanka koonfureed ee qaaradda Africa, ayaa awood u yeeshay inuu talaalo dad gaaraya 1.7 milyan oo qof, oo noqonaya 12% cadada guud ee tirada dadweynaha.

Dad lagu qiyaasay 3% ayaa la talaaley qaaradda Africa, marka loo eego tirada guud,ee dadka ku nool qaaradan.

Ma jiro dal ku yaalla qaaradda Africa, oo qasab kaga dhigey dadweynihiisa iney iska talaalaan cudurka Covid19.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada qaar ayaa qaba rayi ah in talaalka coronavirus laga sameyn karo shuruuc lasoo saaro, si loogula diriro cudurkan safmarka ah, kaasoo halis ku ah caafimaadka guud ee dadweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post