1236 Views

Ciidanka dowladda oo la wareegey deegaan ay baneeyeen Al-Shabaab

Ciidanka dowladda oo la wareegey deegaan ay baneeyeen Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Ciidamo Katirsan kuwa Dowlada Soomaaliya ee ka howlgalla deegaannada Galmudug,kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayaa waxaa ay gaareen deegaanada Qaayib Ee Gobolka Galgaduud.

 

Ciidamada oo howlgallo kala duwan ku jira ayaa la sheegay inay tageen deegaankaas oo saakay ay isaga baxeen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo deegaankaasi ku lahaa awood maamul oo aad u ballaaran.

 

 

 

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadley Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in saakay ay ka warheleen Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee deegaankaasi maamulayay oo isaga baxaya,iyada oo deegaanka uusan ka dhicin wax dagaal ah.

 

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa weli kama hadlin la wareegitaanka deegaanka Qaayib,hayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay howlgallo kale ka fuliyeen deegaanka Cadakibir Iyo Deegaano Kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment