2106 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Moussa Faki Mahamat

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Moussa Faki Mahamat
____________________________________________________________________________

Addis Ababa, Ethiopia, May 27, 2018 — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo ah xarunta Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Moussa Faki Mahamat ayaa si qoto dheer uga wada hadleen nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay taageerada midowga Afrika ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo shaqada ay ka hayaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gudaha Dalka.

RW Khayre kahor inta uusan kasoo dhoofin Addis Ababa Waxaa kale oo kulmay Gudoomiyaha Guddiga nabadda iyo amaanka ee Midawga Afrika, waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin amniga iyo qorshaha ay Ciidanka Soomaaliyeed ugala wareegayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM guud ahaan amniga qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Addis Ababa waxa uu horay kulamo ugula yeeshay wasiirka arimaha dibadda iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ay ka wada hadleen arima badan oo labada dal dan u ah.

rw-kahyre-ethiopia-4 rw-kahyre-ethiopia-3 rw-kahyre-ethiopia-2 rw-kahyre-ethiopia-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment